spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Masuuliyiin hore ee guddiga Midowga Yurub oo loo diiday fiisaha Maraykan...

Masuuliyiin hore ee guddiga Midowga Yurub oo loo diiday fiisaha Maraykan ah

0
28

Arbaco 24, Dec 2025 {HMC} Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay fiisaha u diidi doonto shan qof oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee Midowga Yurub, kuwaasoo doonaya inay “ku qasbaan” baraha bulshada ee Mareykanka inay xakameeyaan fikradaha ay kasoo horjeedaan.

“Dhaqdhaqaaqayaashan xagjirka ah iyo NGO-yada ayaa sii waday cadaadiska ay fuliyaan quwadaha shisheeye – kiisas lagu beegsanayo dadka Maraykanka iyo shirkadaha,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio ku yiri hadal uu soo saaray.

Thierry Breton, madaxii hore ee guddiga tiknoolajiyadda Midowga Yurub, ayaa sheegay in uu jiro “dhagar” cadaadis ah oo socota.

Waaxda arimaha dibadda waxay ay ku tilmaantay Breton in uu yahay “qorsheeyaha” Xeerka Adeegyada Dijitalka Midowga Yurub ee loo yaqaan (DSA), kaas oo ku soo rogaya amaro shirkadaha warbaahinta bulshada.

Breton waxay isku maandhaafeen Elon Musk, ninka aduunka ugu qanisan iyo mulkiilaha X, arimo la xariira u hogaansamidda sharciyada Midowga Yurub.

Guddiga Yurub ayaa dhawaan ku ganaaxay X €120 m oo lacagta Yurub ah, kaa la xariiray calaamadda buluugga ah ee ay siiyaan isticmaaleyaasheeda – ganaaxii ugu horreeyay ee hoos yimaada xeerarka dhijitaalka ah ee Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here