Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Somaliland ayaa xabsi dhexe ee magaalada Burco u taxaabay toddoba masuul oo ka tirsan Dawladda Hoose ee Degmada Burco, kuwaas oo lagu eedeeyey lunsi hantiyeed.
Masuuliyiinta la xidhay oo uu magacyadooda baahiyay Xafiiska Hanti Dhawrka Guud ayaa kala ah:
1. Amiin Cabdillaahi Yaasiin – Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Degmada Burco
2. Diiriye Sugaal Rooble – Madaxdii Jaangoynta Dhulka. 3. Cabdillaahi Muuse Maxamed – Xisaabiyihii Dawladda Hoose Burco. 4. Maxamed Xaaji Muuse Shire – Joomitir. 5. Faarax Muuse Siciid – Joomitir
6. Cabdicasiis Jaamac Ismaaciil – Madaxa Iibka Dawladda Hoose Burco. 7. Maxamed Cali Xirsi – Joomitir.
Wararka ayaa sheegaya in dhammaan masuuliyiintan uu Xafiiska Hantidhawrka Guud ku eedeeyey ku lug lahaansho falal la xidhiidha musuqmaasuq iyo lunsi hantiyeed kadib baadhitaanno uu xafiisku sameeyey.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay masuuliyiinta la xidhay ama qareennadooda oo ku saabsan eedaha loo jeediyey. Sidoo kale, Xafiiska Hantidhawrka Guud si faahfaahsan ugama hadlin xaddiga lacageed ama hantida lagu tuhunsan yahay inay lunsadeen.
Kiiskan ayaa imanaya xilli xafiisku uu kordhiyeen dadaallada lagula dagaallamayo musuqmaasuqa iyo ku takri-falka hantida dadweynaha, iyadoo marar kala duwan la shaaciyey tallaabooyin sharci oo laga qaaday masuuliyiin lagu eedeeyey falal la mid ah.
Dacwadda masuuliyiintan ayaa la filayaa in la horkeeno maxkamadda awoodda u leh, si sharcigu go’aan uga gaadho eedaha loo haysto.






