Axad 4, Jan 2026 {HMC} Mas’uuliyiinta Venezuela ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee Mareykanka ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof, ayna ku burburiyeen qaybo ka mid ah caasimadda Dalkaas.
Sidoo kale waxa ay Sheegeen in ay ku xadgudbeen madaxbannaanidooda qaran, kadib afduubkii madaxweyne Nicolas Maduro.
Dadka Wadanka Venezuela waxay ku kala qaybsan yihiin cabsi laga qabo faragelinta Mareykanka ee socota iyo dabaaldegga xil ka qaadistiisa.



