Maxa kajira in Ciidamada Taliska 60 ee Xoogga Dalka ay taagerayan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed?

0
11

Talaado 17 March 2026 {HMC}  Ciidanka Taliska 60 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo xaruntoodu tahay magaalada Baydhabo, ayaa si rasmi ah u shaaciyey taageeradooda ku aaddan mowqifka ay qaateen hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Sida ay sheegayaan wararka maxalliga ah iyo muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada, ciidamadaan ayaa cadeeyey in ay garab taagan yihiin maamulka gobolka, iyaga oo muujinaya midnimo iyo daacadnimo.

Tani waxay ku soo beegantay xilli xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo awoodda siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Arinta ayaa si weyn loo dareemay kadib markii Maamulkaasi uu si lama filaan ah maanta u shaaciyay inay jiraan Khilaad kala soo dhex galay iyaga iyo Dowladda uu Hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ayna joojiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeeyay Dowladda iyaga oo ku eedeeyey “faragelin iyo kicinta rabshadaha siyaasadeed.”

Ciidanka Taliska 60, oo ka mid ah talisyada muhiimka ah ee hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa mas’uul ka ah sugidda amniga qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, oo ay ku jiraan deegaano hoos yimaada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here