spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxaa ka dhashay booqashadii Erdogan ee Soomaaliya 14 sano ka hor.?

Maxaa ka dhashay booqashadii Erdogan ee Soomaaliya 14 sano ka hor.?

0
13

Arbaco 18 Feb 2026 {HMC}  14 sanadood ka hor madaxweynaha Turkiga Reccep Tayib Erdogan, ayaa noqday hogaamiyhii ugu horreeyay ee booqasho Soomaaliya ku taga, kaddib dagaalladii sokeeye ee dalka halakeeyay.

Booqashadii 2011-kii, Erdoğan wuxuu ku dhawaaqay in Turkigu uu Soomaaliya ka dhisayo safaarad ka caawisa qaybinta gargaarka.

Abaar ba’an oo dad iyo duunyaba saamaysay ayaa ku dhufutay Soomaaliya, Erdoganna gurmad iyo gargaar ayuu u fidiyay.

Xilligaas, Soomaaliya waxay la daalaa-dhacaysay abaartii ugu xumeyd ee soo marta qarniyo iyadoo Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in macluul ka jirto qaybo ka mid ah dalka markii ugu horreysay tan iyo 1991-1992.

Balse faragelinta Turkiga markii hore waxay ahayd mid bani’aadamnimo oo keliya.

Maxaa kamid ah waxyaabaha ay Soomaaliya Turkiga ka faa’iidday?

Waxaa kamid ah arrimo ay kamid yihiin tababarka ciidanka. Turkiga ayaa tabar u fiidiya Ciidamada Soomaaliya oo gudaha iyo dibadaba ah, waxayna soo saaraan ciidamo tayo leh oo ka mid yihiin Ciidamada Gorgor iyo Haramcad.

Isbitallo ayaa sido kale kamid ah. Marka laga soo tago tabarka ciidamada, Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya ka hirgeliyay xarumo caafimaad oo tayo leh oo uu ka mid yahay isbitaalka Erdogan oo horay loo oran jiray Digfeer.

Dib u dhiska waddooyinka, gargaarka bini’aadanimo, deeqa waxbarasho, iyo waxyaabo kale ayaa kamid ah ah.

Dhanka kale, Turkiga ayaa Axadii la soo dhaafay u diray Soomaaliya markabkiisa qodista shidaalka badda-dheer ee loo yaqaan Cagri Bey.

Wasiirka tamarta ayaa ku tilmaamay shaqada markabka in ay tahay hawlgalkii ugu horreeyay ee sahamin badeed oo ka baxsan xuduudaha badda Turkiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shidaal qodistan ay ka tarjumayso istaraatiijiyadda muddada dheer ee Turkiga ee lagu xoojinayo amniga tamarta qaranka iyo in dalka loo dhaweeyo isku-filnaansho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here