Maxaa ka jira in Itoobiya ay saddex maalin u qabatay Ciidanka DFS uga baxaan Beled-xaawo.?

0
52

Arbaco 6, Aug 2025 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Shimbir ayaa ku eedeeyey in ciidamada Itoobiya ay Doolow ka sheegeen inay isaga baxaan saddex maalmood ciidamada dowladda ee ku sugan Beled-xaawo.

Waxa uu sheegay in saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya ay isugu yeereen Odayaasha Doolow, ayna u qabteen saddex maalmood gudahood in ay uga baxaan Beledxaawo.

Maalmo ka hor ayaa ciidamada dowladda Federaalka ee uu hogaaminayo Cabdirishiid Janan waxay la wareegeen maamulka magaalada Beledxaawo, ka dib maalmo ay dagaalo kula jireen ciidamada Jubbaland.

”Wararkaasi waa dhab, niman saraakiil ah ayaa la hadlay odoyaasha Doolow oo dadka isugu yeeray shalay, arintaasina u sheegay, weliba waxa ay ku dareen in wakhti ay u qabteen, kaas oo saddex maalmood gudahood in ay dheheen dadkaasi meesha ha kaga tagaan, meesha ay leeyihiin haka tagaanna waa dhul Soomaaliyeed, meesha ay ka hadlayaana waa dhul Soomaaliyeed, marka warkaasi waa jiraa” ayuu yiri guddoomiye Shimbir.

Shirkaasi dhex maray Saraakiisha Itoobiyaanka iyo odayaasha ee ka dhacay Doolow oo aysan BBC xaqiijin karin ayaa guddoomiyaha isaga oo ka hadlaya uu tilmaamay in cidda ay kasoo xigteen ee uu sheegay ”Dadkii baa jooga sow ma aha, waa magaalo aan xukunno oo aan dadkeeda garanayno weeye”.

Guddoomiyaha ayaa ka jawaabay dantii ay ka lahaayeen saraakiisha Itoobiyaanka arrinta ay odayaasha u sheegeen ” Waxaan ognahay wax la taaban karo oo meesha ay ka sheegeen in ay yiraahdeen Masaari ayaa meesha la keenayaa iyo ciidamo kalaa meesha imaanaya, waxa ay si gooni ah u magacaabeen masuulka haatan meesha ugu sarreeya Cabdirishiid Janan”.

Odayaasha la kulmay saraakiisha Itoobiya ayaa ku kala qaybsamay aragtida la xiriirta amarka saddexda maalmood loogu qabtay sid uu sheegay Shimbir. ”Odayaasha waa ay kala qaybsameen, in badan waxay yiraahdeen Masaari ma arag mana naqaan, ninka meesha jooga iyo ciidamada waa ciidan dowladeed, waddankoodii ayayna joogaan, idinku haddaa dhahaysaan idinkeey idiin taalaa, anaga sabab aan meesha ka bax ku niraahno ma jiraan”.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku wargaliyay arrinta amarka ee kasoo baxday saraakiisha Itoobiyaanka dowlada dhexe ee Soomaaliya ”Haa waa la socodsiinay wayna ogyihiin, waa ayna ka war qabaan”.

Ka maamul ahaan Gobolka Gedo ayuu sheegay inay uga falceliyeen amarka soo baxay, ”Falcelinteenu waxa weeye, waddankeenii baan joognaa, faragalina ma aqbalayno, nimankii sidaasi yirina ma ogin inay dowlada Itoobiya ka turjumayaan, waa niman saraakiil ah oo la dul joogo weeye, saraakiisha xuduudaha joogana waa iska dhaadhac badan yihiin, marka anaga falcelinteenu in aan xaqiijino fikirkaa inuu fikir dowlada Itoobiya yahay iyo inuu sarkaal furin jooga fikirkiisa uu yahay, laakiin mar walba mid aan aqbalayno ma aha, hadeey dowladu qabto iyo hadeey saraakiishu qabtoba”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here