Arbaco 19 Nov 2025 {HMC} Brigitte Macron ayaa lagu wadaa in ay qaado tillaabo sharci ah oo ku saabsan aragtida shirqoolka ee internetka oo ah in ay tahay haweeney labeeb oo markeedii hore ku dhalatay lab.
Marwada koobaad ee Faransiiska ayaa lagu bartilmaameedsaday baraha bulshada iyada oo wararkan lagu daabacay bog ay leeyihiin kooxaha midigta fog bishii Sebtembar ka dibna ay faafiyeen.
Wararka xanta ah ayaa sheegaya in ay markii hore ay nin ahayd, lana oran jiray magaca Jean-Michel Trogneux.
Magacan ayaa ku baahay baraha bulshada iyadoo tobanaan kun oo goor la sheegay.
Qareenka u doodaya Mrs Macron – oo ah hooyada saddex carruur ah oo qaangaar ah kuwaas oo ay ku dhashay guurkeedii ugu horreeyay – ayaa xaqiijisay inay tallaabo qaadayso.
“Waxay go’aansatay in ay bilawdo dacwadaha,” qareen Jean Ennochi ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AFP.
Beenta ku saabsan haweeneydan 68-jirka ayaa lagu faafiyay bogagga kooxaha ka soo horjeeda ninkeeda, Madaxweyne Emmanuel Macron, oo ay ku jiraan kuwa midigta fog.
Warbaahinta Faransiiska ayaa sheekadan ku raad raacday maqaal ay haweeney lagu magacaabo Natacha Rey ku qortay joornaal dhanka midigta fog.
Waxay markaa heshay dhagaystayaal ballaaran ka dib markii lagaga hadlay barta YouTube.
XIGASHO BBC






