spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxaa ka run ah in Soomaaliya lagu soo celiyay xildhibaannadii ay u...

Maxaa ka run ah in Soomaaliya lagu soo celiyay xildhibaannadii ay u dirtay EAC?

0
24

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Warbaahinta maxalliga ah iyo baraha bulshada , waxaa maanta si weyn loogu baahiyay in Soomaaliya lagu soo celiyay 9 Xildhibaan oo dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida ay siiyeen , si ay Soomaaliya ugu matalaan Baarlamaanka ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), balse habka ay ku soo baxeen ayaa dood ka dhalatay illaa xubno ka soo horjeeday Xildhibaannada EAC ay Soomaaliya u dirtay dacwad rasmi ah ka gudbiyeen, iyagoo markaa dhaliilay habka ay ku yimaadeen inay tahay doorasho aan caddaalad ku dhisnayn, kuwa kalena waxay sheegeen in laga reebay inay u tartamaan kuraastan.

Warsaxaafadeed ay baahisay maxkamadda ayaa lagu caddeeyay inan la gaarin wax go’aan kama dambeys ah oo dacwada laga soo gudbiyay 9 Xildhibaan laga dhigay mid deg deg ay tahay in loo dhageysto , taa oo ka duwan warbixinnada la baahiyay ee lagu sheegay in Soomaaliya lagu soo celiyay Xildhibaannada ay dirsatay .

Sidoo kale maxkamadda waxay sheegtay in la hakiyay dhaarinta iyo aqoonsi siinta 9 Xildhibaan ee Soomaaliya usoo dirsatay inay ka mid noqdaan Baarlamanka EAC, sabab la xiriirta hab-raaca lagu soo doortay oo ay dooddi ka taagantahay.

Labo maalin kaddib ayaa la filayaa in dib loo dhageysto dacwada laga gudbiyay xubnahan, xilligaa oo fadhiga maxkamadda uu furmayo.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tansaaniya iyo ururka bulshada bariga Afrika , Ilyaas Cali ayaa dhankiisa baahiyay qoraal uu ku xaqiijiyay in keliya go’aanka kama dambeysta dib loo dhigay oo aysan jirin go’aan maxkamadeed oo maanta soo baxay oo dib loogu celiyay Xildhibaannada Soomaaliya ay usoo dirtay Baarlamaanka EAC. Maxay ka dhigantahay?

Soomaaliya oo dabayaaqadii sannadkii 2023 ku biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa la kulmaysa cadaadis sharci , taa oo siinaysa Soomaaliya muhiimada ay leedahay inay fahanto waajibaadka sharci iyo sida go’aamada gudaha lugu gaarayo lagu burin karo meel ka baxsan dalka, sida kiiska hadda taagan, kaa oo diiwaanka EAC laga helay in horey looga soo gudbiyay Uganda iyo Koonfur Suudaan , labadan dal waxaa looga guuleystay dacwadii laga soo gudbiyay , taa oo ay hadda sidoo kale qarka u saarantahay Soomaaliya inay wajahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here