Isniin 30 March 2026 {HMC} Xaalad cabsi oo ka dhalatay ciidamada isku hor fadhiya Duleedka Magaalada Baydhabo ayaa ka taagan Xarunta Gobolka Baay, ilo deegaanka ah ayaa Mustaqbal u sheegay in isu socodka Dadka iyo Gaadiidka uu istaagay sababo lala xiriirinayo xaaladdaas.
Dadka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamo katirsan kuwa maamulka Koofur Galbeed ay xalay ku hoydeen Waddooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Baydhabo, tani waxa ay cabsi horleh ay gelisay Dadkaas deegaanka ah sida ay Mustaqbal la wadaageen.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda ay dhowr tallaabo uga dhaqaaqeen goobihii ay joogeen halka ciidanka Koofur Galbeed ay dib uga gurteen difaacyadii ay ka samaysteen duleedka Baydhabo iyada oo aan la sheegin sababta ka dambaysa.
Dadka ayaa intooda badan ka cabsanaya in ay ku kala xayirmaan goobo kala fog waa haddii uu dhaco dagaal ama gudaha Magaaladaas la isugu yimaado, waxaa xiran goobaha Waxbarashada iyo kuwa Ganacsiga inkasta oo ay jiraan meelo kooban oo xaafadaha dhexdooda ah oo furan.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gacanta ku qabanayaan Magaalada Baydhabo, hadalkaas oo xoojiyay dareenka cabsida ah ee dadka Magaaladaas ay muujinayaan.



