spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxaa ka Soo baxay kulankii Aqalka Sarre. ?

Maxaa ka Soo baxay kulankii Aqalka Sarre. ?

0
18

Sabti, 11, Oct 2025 {HMC} Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka labaad kalfadhiga 7-aad Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa Akhrinta labaad ee sharciga dhismaha Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed iyo akhrinta warbixin ku saabsan ka talo bixinta doorka matalaadda Aqalka sar Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka Soomaaliya.

Ugu horrayn Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arrimaha Dibadda Aqalka Sare Sanatar Cabdiwali Ibraahim Garyare, ayaa Sanatarrada la wadaagtay warbixinta akhrinta labaad ee sharciga dhismaha Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed oo ay toosin, sixid iyo siiqayn ay ku sameeyeen qodobada qaar ee sharciga.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arrimaha Gudaha Sanatar Cabdiqani Ugaas Geelle, ayaa dhankiisa Sanatarrada Aqalka Sare la wadaay warbixin ku saabsan doorka matalaadda Aqalka Sare ee Arrimaha dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka Soomaaliya, iyadoo intaas kadib Sanatarradu ay ka dhiibteen aragtidooda iyo fikradaga ay ka qabaan warbixinta kaalinta Aqalka Sare ee matalaadda dowlad Goboleedyada.

Ugu dambayn, Guddoomiye Timacadde oo kulanka maanta shir Guddoominayay ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo doodda warbixinta doorka matalaadda Aqalka Sare ee Dowlad Goboleedyayada, si Sanatarradu u helaan waqti ku filan oo ay ku soo akhristaan kadibna laga doodo, loogana soo saaro qaraar Gole.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here