Axad July 20, 2025 {HMC} Kulan waqti dheer socday oo maanta muqdisho ku dhaxmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh iyo siyaasiyiinta mucaaridka oo aan weli heshiis rasmi ah ka gaadhin Doorashooyinka iyo Dastuurka ayaa mar kale ballamay 20-ka bisha August, ka dib kulankii maanta.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaayo kulankii maanta kuwaas oo ay kamid yihiin in madaxweyne xasan Shiikh uu ongolaaday in uu ka laabto wax-ka-beddelka cutubka afraad ee Dastuurka oo ay ku jiraan qodobada doorashooyinka. sida laga soo xigtay mucaaradka
Hogaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa doorashada qof iyo cod, halka mucaaridku aysan rabin in lagu laabto doorashadii 2022, balse laysugu yimaaddo hannaan-dhexe oo heshiis lagu yahay.




