Arbaco 13, Aug 2025 {HMC} Waxaa goor dhoweyd soo gaba-gaboobay kulankii u dhaxeeyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka socday magaalada Muqdisho.
Shirkan oo u muuqday inuu ka duwanaa kuwii hore maadaama shirarkii hore u dhici jiray ay ahaayeen kuwo midba uu mid kale u sii dhiibi jiray, ayuu shirkan ku soo dhamaaday natiijo la’aan.
Ilo ku dhowdhow shirka waxay BBC u sheegeen in wax natiijo ah aysan ka soo bixin, shirkan oo muddo saacado ah ay dhinacyadu u fadhiyeen.
Wararku waxay sheegayaan in siyaasiyiinta mucaaradka uu hadda shir uga socdo magaalada Muqdisho, waxayna ka gaabsadeen inay wax hadal ah jeediyaan ilaa uu shirku u dhamaado.



