Sabdi, 19 Jully 2025 {HMC} Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa goordhow war rasmi ah kasoo saartay Markabkii lagu qabtay xeebaha Puntland kaas oo ciidamada PL gacanta u galay kadib markii uu ku halaabay xeebta deegaanka Bareeda ee ka tirsan Raas-caseyr.
Afhayeenka madaxtooyada Ppuntland Jaamac Debarani oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyey in Puntland wali baaritaan ku wado Markabkaas oo siday hub aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn meesha uu u waday walow dowladda Turkigu sheegtay in hubkaas iyo Gaadiidkaas ay leeyihiin ciidamo dhawaan laga keenay dalkaas oo Soomaaliya loo soo tababaray.
Jaamac Debarani waxaa uu shaaca ka qaaday iney warbaahinta la wadaagi doonaan baaritaanta kadib wixii xog dhameystiran ah.
Markabkan ayaana waxaa lagu magacaabaa Sea World wuxuuna galabta kusoo xirtay Dekeda Boosaaso ee gobolka Barri.
Turkigu waxa uu kamid yahay dowladaha dhinaca difaaca iyo saanada ciidan ka taageera Soomaaliya iyadoo ay xusid mudan tahay in dowladda Turkigu heshiis dhinaca masuuliyada amniga xeebaha Soomaaliya la gashay DF ayna sidoo kale Gudaha Soomaaliya ay ka joogaan ciidamo Turki ah qeybna ka ah howlgalada Turkigu ka sameeyo Soomaaliya.
Sidoo kale shirkad laga leeyahay wadanka Turkiga ayaa wada sahaminta shidaalka Soomaaliya kaas oo dhawaan soo gabagaboobey wajigii koowaad ee baarista Shidaalka.






