isniin, 17, Nov 2025 {HMC} Masar ayaa halka sare ugu jirto sanadkan 2025-ka warbixinta bogga Global Firepower oo ka faalooda arrimaha militeriga. Masar waxay ka mid noqotay 10-ka dalka ee Afrika ugu sareeya.
Arrimaha la eegay waxaa ka mid ah in aad leedahay tiro badan oo ciidamada dhulka ah, hubka casriga, cidamo bad oo xoog badan iyo kuwa cirka.
Masar ayaa ku hoggaamineysa liiskan in ay tahay dal haysta ciidamo xoog badan, taagniyo, gawaarida dagaalka iyo helikobtaro badan sida lagu sheegay warbixinta.
Warbixinta waxay ku qiyaastay misaaniyada militeriga Masar in ay gaareyso $5.88 bilyan oo doolar sanadkii.
2. Algeria
Ciidamada Algeria ayaa ka kooban kuwa caadi ah iyo kuwa ku hubeysan hubka casriga. Ciidamadooda cirka waa ku xoog leh. Waxaa la sheegaa in ciidamada Algeria ay markasta diyaar ku yihiin ilaalinta xuduudaha.
Militeriga Algeria waxay ku baahsan yihiin badda Mediterranean-ka sida lagu sheegay warbixinta. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada ay xoog leeyihiin marka ay helayaan taageerada kuwa cirka iyo badda.
Sida warbixinta Global Firepower lagu sheegay, miisaaniyada militeriga Algeria waxay sanadkii gaareysaa ilaa iyo $25 bilyan oo doolar. Miisaaniyadooda waxay shan laab ka badan tahay tan Masaarida.
3. Nigeria
Awoodda militeriga Nigeria waxaa lagu cabiraa tirada ciidan ay leeyihiin. Waa dalka saddexaad ee leh ciidamada cirka ee ugu badan qaarada sida lagu sheegay warbixinta.
Tirada ciidan ay leedahay Nigeria waxaa lagu qiyaasaa 230,000, sidoo kale waxay leedahay ciidamo gaar ah oo xagjiriinta la dagaallama.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in miisaaniyada militeriga Nigeria ay gaareysaa $3.16 bilyan.
4. Koonfur Afrika
Waxaa la sheegay in dalka Koonfur Afrika lagu yaqaan howlkarnimo. Waxay leeyihiin ciidamo difaac oo xoog leh. Ciidankooda waa kuwa isku dheelitiran hadii ay noqon laheyd kuwa dhulka, cirka iyo kuwa badda.
Dalka sidoo kale wuxuu leeyahay diyaarado dagaal oo casri ah kuwaas oo awooda in ay fuliyaan howgallo guuleysta.
Ciidanka Koonfur Afrika waxay kaloo leeyihiin ciidamo loo tababaray daryeelka iyo nabad ilaalinta.
Tirada askarta dalka way ka yar yihiin dalalka dhigooda ah balse way ka sareeyaan marka ay timaado waxtarka, qalabka iyo hubka casriga ah ay haystaan.
Lama oga inta ay la egtahay miisaaniyada sanadkii ku baxda ciidanka Koonfur Afrika balse waxaa la filayaa in sanadkan ay gaarto 3.1 bilyan oo doolar.
5 Itoobiya
Ciidanka ugu badan ay Itoobiya leedahay waa kuwa dhulka sida warbixinta lagu sheegay. Askarta ay leedahay Itoobiya waa kuwa xoog badan. Dalka waxa uu caan ku yahay in uu diyaariyo askar badan oo kuwa lugta ah iyo ciidamo cirka oo xoog leh.
Ciidamada cirka Itoobiya waa kuwa awood fiican leh. Waxay ciidankooda diirada saaran ilaalinta xuduudaha iyo xaqiijinta ammaanka gudaha.
Bogga Global Firepower waxa uu warbixinta sanadkan ku sheegay in miisaaniyada militeriga Itoobiya ay tahay 2.10 bilyan oo doolar.
6 Angola
Dalka Angola waxa uu maalgelin xooggan ku sameeyay ciidamada dhulka. Sidoo kale ciidamadooda cirka iyo kuwa badda waa kuwo xoog leh.
Inta badan ciidamadooda waxaa loogu talogalay in ay wax ka qabtaan ammaanka gudaha iyo ilaalinta xuduudaha. Miisaaniyada sanadkan ee ciidamada Angola waa 1.1 bilyan oo doolar.
7 Morocco
Ciidamada Moroco waxay ka kooban yihiin militeri badan, taangiyo casri ah, gawaarida dagaalka, diyaarado iyo kuwa badda. Ciidankooda waxay ka howlgali karaan ilaa iyo biyaha Mediterranean-ka iyo badda Atlantik.
Global Firepower waxay sheegen in miisaaniyad sanadeedka ciidamada Morocco ay ka badan tahay 13 bilyan oo doolar.
8 DR Congo
DRC waa dalka sideed ee qaarada ugu militeriga xooggan. Tani waxay ka dhigan tahay in ay leeyihin askar rasmi ah oo badan balse ma haystaan qalabka casriga iyo tababar sida warbixinta lagu sheegay. Sanadkan waxay miisaaniyadooda aheyd 800 oo milyan oo doolar
9 Sudan
Sudan oo ah dalk ku jira dagaal sokeeye waxay markii hore lahaayeen ciidamo gaar ah oo loo tababaray in ay wax ka qabtaan amniga gudahga balse dhexdooda ayaa hadda dagaallamaya. Waxaa lagu yaqaan in ay leeyihiin ciidamo fiican oo dhulka, cirka iyo badda ah.
Miisaaniyada ciidanka suudaan waxaa lagu qiyaasay in ay tahay sanadkii 342 milyan oo doolar.
10 Libya
Libya waxay ku jirtaa kaalinta tobannaad ee qaaradda. Inkastoo qaab dhismeedka militeriga dalka uu burburay hadana markii hore waxay sameysteen ciidamo xoog badan oo isugu jira kuwa dhulka, badda iyo cirka.
Libya sida Sudan oo kale waxa haysta dhibaato weyn oo gudahooda ah. Miisaaniyada sanadkii ku baxda ciidamada Libiya waxay ka badan tahay 3 bilyan oo doolar sida lagu sheegay warbixinta.
XIGASHO BBC






