Talaado 13 jun 2026 {HMC} Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dhanka dhaqaalaha si wayn uga horeeya inta badan dalalka kahliijka ee dariska la ah.
Militariga Imaaraadka ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid yihiin ciidamada ugu tababarka wanaagsan dalalka Khaliijka.
Ciidamada Imaraadka ayaa ka dagaalamay dalal badan sida iibiya, Yemen iyo Afqaanistaan.
Dowladda Imaaraadka ayaa sanooyiinkii u dambeeyay waxa ay dhaqaala badan galisay dhanka militariga, iyada soo iibsatay hub badan oo casri ah, balse lama oga miisaaniyadda rasmiga ah ee gaashaandhiga.
Awoodda ciidamada Cirka
In uu dalku leeyahay ciidamo cir oo awood leh ayaa sanooyiinkii u dambeeyay ay khubarada militariga u arkayeen midda ugu muhiimsan qarnigan aanu ku jirno.
Imaaraadka ayaa waxaa sanooyiinkii u dambeeyay ay aad u xoojiyeen tayeynta ciidamadooda cirka.
Waxay Imaraadka soo iibsadeen diyaaradaha ugu casrisan waqtigan oo ay ka mid tahay nooca laga daba dhacay ee F-16 ee ay Mareykanka farsameeyeen.
Sanadkii 2021-kii, waxay Imaaraadka ka dalbadeen Faransiiska diyaaradda dagaal ee lagu magacaabo Rafale.
Dowladda Imaraadka ayaa sidoo kale waxaa sanooyiinkii u dambeeyay ay xoojisay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka loo yaqaano.
Dalka Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka ay Imaraadka ka soo iibsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka.
Ciidamada cirka ee Imaaraadka ayaa sidoo kale haysta gantaalo casri ah oo ah kuwa lidka diyaaradaha.
Awoodda ciidamada Dhulka
Dowladda Imaraadka ayaa si wayn u maalgalisay awoodda ciidamada dhulka.
Ciidanka Imaaraadka ayaa sidoo kale leh madaafiicda goobta ee loo yaqanao Artilariga
Awoodda ciidamada badda
Ciidamada badda ee dalka Imaaraadka ayaan lahayn awood sidaasi u sii ballaaran.
Ciidanka badda ee Imaaraadka ayaa waxaa ay ku howlgalaan dhowr isugu jira doomo iyo Maraakiib.






