Sabdi 3, Jan 2026 {HMC} Trump ayaa amray howlgal militari oo gaar ah oo waqti dambe ee xalay , xilliga Venezuela lagu soo qabtay madaxweynihii Venezuela, Nicolas Maduro, iyo xaaskiisa Cilia Flores.
Marka howlgalka uu dhammaaday waxaa la xaqiijiyay inuu Trump ka kacay kursiga uu ku fadhiyay oo waqti uu gacmihiisa kor u ruxay, kaddib markii sarkaal ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Mareykanka uu kala hadlay kaamirada uu toos howlgalka ugala socday Trump , una sheegay ; “ Madaxweyne , kani waa Maduro, waxaan qabanay inta uusan gaarin qol albaabo adag lahaa oo uu ku cararayay, mar dhow hortaada ayaan keenayna.
” Hadalkan waxaa xaqiijiyay Trump oo sheegay xataa qolka albaabada adag haddii Maduro gali lahaa , inay ciidanka Mareykanka heysteen qalab lagu jabin karay.
Howlgalka , waxaa diyaariyay CIA-da , waxaa fuliyay ciidanka gaarka ah ee Mareykanka oo loogubyeero Delta Force, waa ciidan keliya fuliyay howlgallaya gaarka ah.
Mar haddii CIA-da ay howlgal hoggaaminayso, taasii waa in la iibsaday daacadnimada shaqsiyaad uu ku kalsoonaa Maduro oo Mareykanka u gacan galiyay, sababtoo ah howlgalkan kuma dhicin kaliya qorshe dibadda ah ee cidda gudaha joogtay ayaa laf-dhabar u noqotay guushan muhiimka u ah Mareykanka iyo nidaamka Trump .
Taliyaha guud ee ciidanka Mareykanka , Janaraal Dan Caine oo waxyar ka hor howlgalka ka warbixiyay wuxuu sheegay inay ka qeybqaateen diyaaradaha ; F-22, F-35, F-18, EA-18, E-2, diyaaradaha wax duqeeya ee B-1, diyaarado kale oo taageero ah, iyo tiro badan oo diyaarado aan duuliyaha lahayn.
Wuxuu kaloo uu caddeeyay howlgalka intiisa badan inay ku taagna curyaaminta nidaamyada difaaca iyo isgaarsiinta oo meesha laga saaray, taa oo suragelisay diyaaradaha qumaatiga u kaca inay si nabad ah u duulaan oo ay dhulka geeyaan ciidanka Maduro soo qabtay.
Trump oo isagana hadlay, wuxuu hanjabaad u diray hoggaamiyeyaasha Cuba iyo Colombia , isagoo yiri ; “ Waad u jeedaan waxaan sameeyay.”
Laakin ka hor qabashada Maduro maxaa dhacay?
Hawlgalka Mareykanka wuxuu ahaa mid si xeel dheer loo diyaariyay. Nidaamyadii difaaca cirka, raadaarradii iyo isgaarsiintii ayaa la curyaamiyay; waxaa la adeegsaday diyaarado dagaal oo casri ah, gantaallo fog-fog iyo weerarro cyber ah oo jaray korontadii iyo xiriirkii hoggaanka ciidanka.
In madaxweyne la qabto iyada oo aan dagaal ballaaran dhicin waxay caddeyn u tahay in Mareykanku si buuxda ugu wareegay istiraatiijiyad cusub weerar degdeg ah oo go’aan ah, halkii uu ka geli lahaa dagaallo dhaadheer oo ku dhammaada natiijo la’aan, sida kuwii Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Sababta ugu weyn ee Venezuela bartilmaameed u noqotay ma aha mid qarsoon: waa shidaalka.
Washington ma aqbasho in kayd shidaal oo intaas le’eg uu ka baxo gacanta nidaamka suuqa reer Galbeedka, maaddama Venezuela ay heysatay kaydka shidaalka ee ugu weyn caalamka , gaar ahaan xilli Venezuela ay xiriir dhow la leedahay Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan.
Maxay ahayd farriinta ku jirtay howlgalkan?
Mareykanka oo howlgalkan ku xaqiijiyay isbeddel ku dhacay caalamka oo si cad Mareykanka u noqday mid jebiyay xeerarka caalamiga , waxaa ku dhex jirtay digniin si cad ugu wajahan dhammaan nidaamyada ay Washington u aragto cadow , waxaa kaloo Mareykanka uu xaqiijiyay marka aad tahay hoggaamiye iyaga ka soo horjeeda inaysan kugu filnaan inaad gabbaad ka dhigato hoggaaminta dal madax bannaan, haddii danaha istiraatiijiyadeed ee Mareykanka la taabto.
Tani waa jebin muuqata oo ku timaadda sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Laakin xaggee ku maqnaayeen Ruushka iyo Shiinaha ?
Labada quwadood ee bariga , marna lama oran karo waxay mooganaayeen waxa ku dhacaya Maduro, gaar ahaan Shiinaha oo saraakiil ka socda ay ahaayeen kuwii u dambeeyay ee la kulmay Maduro, oo ay ku jireen labo sarkaal oo milatari , kuwaasoo Maduro siiyay xog marin habaabin ah oo ay ugu sheegayaan inuu saacadaha iyo maalmaha soo socda , uu weerar soo qaadi doono Mareykanka , laakin looma sheegin in howlgalka uu ku koobanyahay qabashadiisa.
Ma aysan bixin saraakiisha Shiinaha , xataa iyadoo bambooyinka Mareykanka ay meel walba ku dhacayeen, tani waxay dhalinaysa ; Shiinaha ma wuxuu heystay dammaanada Mareykanka inan la garaaci doonin xarumahooda?
Docda kale , isla markii ay soo baxday qabashada Madoru , waxaa soo baxay Ruushka , laakin si ka duwan wax kasta oo la filayay, wuxuuna ku baaqay in la ilaaliyo xasilloonida Venezuela.
Xaaladan waxay dhalinaysa maxaysan Ruushka iyo Shiinaha u faragelin howlgalka Mareykanka?
Waa dhab , mid ka mid ah ujeeddooyinka uu Mareykanka u weerartay Venezuela oo Maduro meesha uga saarayay inay tahay saameynta ay dalalka bariga gaar ahaan; Ruushka , Shiinaha iyo Iiraan ku yeelanayaan Venezuela — ma jirto cid cad usoo bandhigtay waxa ay Shiinaha iyo Ruushka ku beddesheen qabashada Maduro, laakin waxaan heli karaa mid ka mid ah waxa ay ku saleeyeen go’aammadooda, waa inay u arkaan faa’iidadooda mustaqbalka inuu Mareykanka inuu ku kaco ficillo uu ku jebinayo sharciga caalamiga ah , taa oo siinaysa marmarsiyo ay ku difaacaan ficillo la mid ah oo ay mustaqbalka sameyn karaan, gaar ahaan Shiinaha oo doonaya inuu fuliyo howlgal ka dhan ah Taiwan.
Ugu dambeyntii, arrinta aan laga tagi karin waa xaqiiqada ka jirtay Venezuela ayaa iyana u baahan in loo qaato cashar, dalkaa isagoo ahaa leh kaydka ugu weyn shidaalka, haddana sannadkii 2025 daraasad la soo saaray ayaa lagu sheegay in ka badan saddex-meelood laba meel dadkiisa inay ku nool yihiin saboolnimo, ku dhowaad 57%na waxay ku sugan yihiin saboolnimo daran oo xitaa cuntada maalinlaha ah ma awoodaan inay helaan .
Tani ma aha kaliya natiijada cunaqabatayn dibadeed, balse waa mid si qoto dheer ula xiriirta nidaam siyaasadeed oo muddo dheer ka doorbiday xakamaynta awoodda iyo hadal ideolojiyadeed, halkii uu ka dhisi lahaa dhaqaale shaqeeya, hay’ado la isku hallayn karo, iyo nolol sharaf leh oo muwaadiniinta u suurtagelisa inay dalkooda ku sii noolaadaan.
Maduro, wuxuu ahaa hoggaamiye caan ka ah adduunka , oo hadalladii ay ka muuqan jireen nacaybka Mareykanka iyo xulafadiisa, halka dadka gudaha uu ku mashqulin jiray inuu yahay kan kaliya ee ka hortaggi kara faragelinta dibadda iyo Mareykanka.
Saaxiibbada ku dhow iyo qoyskiisa waxay ku noolaayeen nolol sare oo ay ku soo bandhigayeen lacagta ay heystaan, iyagoo adeegsanaya diyaaraddo gaar ah waxay geli jireen safarro dalxiis oo malaayiin dollar ay ku baxaysay, laakin taa beddelkeeda lama maalgelin ciidanka , lamana dhisin awood milatari oo leh tiknoolajiyad iyo sirdoon , waxaana ku yimid saakay waqtigiisa dhabta ah oo bannaanka soo dhigay cawaaqibka mustaqbalka sugaya hoggaamiye kasta oo musuq maasuq ku fog, hadallo badan oo aan dhab ahayna jiidiya!
W/Q Iman Jamac



