Jimco 2 April 2026 {HMC} Hay’adaha SOMA iyo IMS ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gaba-gabeeyey aqoon-isweydaarsi socday muddo laba maalmood ah, kaas oo ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Booliiska, madax ka socotay warbaahinta iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan bulshada rayidka Soomaaliyeed.
Aqoon-isweydaarsigan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga bulshada iyo horumarinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa warbaahinta iyo hay’adaha ammaanka, gaar ahaan Booliiska. Waxaa ka faa’iideystay 35 xubnood oo ka kala socday saddexda dhinac, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata wacyigelinta bulshada iyo sugidda amniga.
Intii uu socday tababarka, ka qeybgalayaasha ayaa is dhaafsaday khibrado iyo aragtiyo ku saabsan sida loo wanaajin karo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya warbaahinta iyo Booliiska, si loo helo bulsho amni leh oo xog-ogaal ah.
Gaba-gabadii aqoon-isweydaarsiga, waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyey dhammaan ka qeybgalayaashii, iyadoo la rajeynayo in aqoonta ay heleen ay ku dabaqi doonaan shaqadooda maalinlaha ah.





