Maxay dowladda ka tiri Dowladda Nigeria Hanjabaadta Trump.?

0
33

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Ma jirto jawaab cusub oo ka soo baxday dowladda Nigeria ka dib hanjabaadii Donald Trump.

Balse mar sii horeysay, Madaxweynaha Nigeria Bola Ahmed Tinubu, ayaa hadal uu Sabtidii ku soo daabacay boggiisa X ku sheegay in sheegashadaasi aysan ka tarjumayn xaaladda dhabta ah ee ka jirta Nigeria.

“Xorriyada diintu waxa ay ahayd tiirkii aqoonsigayaga, wayna sii ahaan doontaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Tinubu.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Nigeria ayaa goor sii horreysay ku beenisay sheegashada Trump iyo eedeymaha ku aaddan dilka dadka Masiixiyiinta ah ee Nigeria, bayaan ay soo saartay Sabtidii.

“Nijeeriyintu waxay xor u yihiin inay si sax ah ugu dhaqmaan diintooda, ayna ku dhaqmaan caqiidadooda iyadoo aan la faragelin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in intii uu hogaaminayay Tinubu ay dowladdiisu dadaal weyn ugu jirto la dagaalanka argagixisada iyo xoojinta iyo ilaalinta nolosha shacabka iyadoo aan la takoorin.

Dawladdu waxay sheegtay in Nigeria ay sii wadi doonto la shaqaynta Maraykanka iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo nabad waarta.

Nigeria waa dal ay muslimiintu ku badan yihiin waqooyiga, koonfurtana ku badan yihiin Masiixiyiinta.

Dalka ayaa in muddo ah waxaa hareeyay dhibaatooyin dhanka ammaanka ah, gaar ahaan fallaagada Boko Haram oo kumannaan qof ku dilay waqooyi-bari ayna barakiciyeen in ka badan laba milyan oo qof.

Nigeria ayaa sidoo kale la daalaa dhacaysa dhibaatada ay burcaddu dadka u afduubtaan si ay madax furasho uga qaataan gobolka waqooyi galbeed.

Sidoo kale waxaa gobolka bartaha iyo waqooyiga dalkaas ka jira iska horimaad u dhexeeya xoolo-dhaqato iyo beeraleyda, kaasoo inta badan ku xiran diinta, kaasoo u dhexeeya beeraleyda Masiixiyiinta ah iyo xoola-dhaqatada Muslimiinta Fulani.

Xitaa intii lagu jiray xilligiisii ugu horreeyay, Madaxweyne Trump ayaa mar Nigeria ku daray liiska waddamada walaaca laga qabo, laakiin Joe Biden ayaa Nigeria ka saaray liiska 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here