Maxay Iiraan u beegsatay xarumaha gaaska dalka Qatar?

0
3

Khamiis 19 March 2026 {HMC}  Iiraan waxay caawa qaaday tallaabo culus oo si toos ah u beddeleysa jihada dagaalka, kadib markii la beegsaday magaalada warshadaha ee gaaska Qatar ee Ras Laffan , oo ah meesha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalkaasi ku tiirsan yahay.

Saameynta weerarkan si dhaqso ah ayaa looga dareemay gudaha Qatar, iyadoo Doha ay isla markiiba ku jawaabtay go’aan adag oo ay ku cayrisay saraakiisha milatariga iyo amniga ee safaaradda Iiraan. Taasi waxay muujinaysaa in arrintu ay ka gudubtay weerar caadi ah oo militari, oo ay gashay heer siyaasadeed iyo mid istaraatiiji ah.

Ras Laffan muhiimaddeeda lama dhayalsan karo. Halkaas ayaa laga maamulaa inta badan gaaska Qatar, oo ah dal ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee gaaska dabiiciga ah dhoofiya.

Gaaskaas wuxuu ka yimaadaa kaydka ugu weyn gaaska adduunka ee North Field, oo Qatar ay la wadaagto Iiraan (South Pars). Sidaas darteed, wax kasta oo Ras Laffan ka dhaca, saameyntu ma joogsanayso gudaha Qatar, waxay si toos ah u gaareysaa suuqyada tamarta ee dunida.

Haddii wax soo saarka halkaas uu hakad galo, qiimaha gaaska si degdeg ah ayuu u kici karaa. Taasi waxay taabanaysaa korontada, warshadaha, iyo guud ahaan nolosha dalal badan.

Yurub oo hore uga soo wareegtay gaaska Ruushka ayaa si gaar ah ugu tiirsan Qatar, sidoo kale dalalka Aasiya sida Japan iyo Kuuriyada Koonfureed. Sidaas darteed, Ras Laffan waa meel si weyn u saameysa xasilloonida dhaqaale ee caalamka.

Weerarkan wuxuu muujinayaa wax ka duwan wixii hore loo arkayay. Iiraan waxay u muuqataa inay ka gudubtay bartilmaameedyo militari oo keliya, oo ay si toos ah u taabanayso meelaha dhaqaalaha laf-dhabarta u ah, ujeedkuna waa haddii la cadaadiyo Iiraan, iyaduna waxay awood u leedahay inay dhaawacdo meelaha ugu xasaasisan ee tamarta.

Qatar muddo dheer waxay isku dayaysay inay dhexdhexaad ahaato, balse marka xarumaha muhiimka ah la beegsado, ma sahlan in la aamuso.

Tani waxay keeni kartaa in xiriirka labada dhinac uu sii xumaado, isla markaana gobolka uu sii kala fogaado.

Maxay Iiraan u beegsatay warshadahan?

Iiraan waxay ogtahay in tamarta ay tahay meesha ugu nugul ee dunida maanta. Marka qiimaha shidaalka iyo gaaska uu kaco, cadaadiska ugu badan wuxuu gaarayaa Mareykanka iyo xulafadiisa.

Trump horey ayuu ula tacaalayay cadaadis ka dhashay xaaladda marinka Hormuz, oo ah marin ay maraan 20% shidaalka dunida.

Haddii taas lagu daro weerarro toos ah oo lagu qaado xarumaha wax soo saarka, cadaadiskaasi wuu sii laba jibbaarmaya, wuxuuna Trump wayn doona hurdada, maaddama tamarta ay saameyn ku leedahay lacagta dollarka.

Waxa u dambeeya ee ay Iiraan raadinaysa waa in Mareykanka lagu qasbo inuu dib u eego dagaalka, oo uu raadiyo waddo uu ku joojiyo ama ku yareeyo xiisadda.

Marka la soo koobo, waxa dhacay caawa ma aha oo kaliya weerar, waa fariin. Fariin leh saameyn dhaqaale, mid amni iyo mid siyaasadeedba oo jawaabteeda weli la sugayo.

W/Q Iman Jamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here