spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Xamse iyo Safiirka Shiinaha?

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Xamse iyo Safiirka Shiinaha?

0
19

Arbaco 17, Sep 2025 {HMC}   Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr. FEI Shengchao.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulan looga hadlay Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada Amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo binu aadanimada.

 

 

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in Shiinaha ay la leeyihiin xiriir diblumaasiyadeed oo dhow oo la xiriira dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo Binu aadanimada.

Dhankiisa, Danjire Shengchao, ayaa tilmaamay in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here