spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxay Ka Wada Hadleen Wasaaradda Deegaanka Iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ?

Maxay Ka Wada Hadleen Wasaaradda Deegaanka Iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ?

0
64

Axad 09-02-2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Mudane Bashiir Mohamed Jaamac ayaa maanta Xafiiskiisa waxaa uu ku qaabilay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Cabdikariin Gabeyre, waxaana ay ka wadahadleen xoojinta wadashaqeynta, ilaalinta deegaanka iyo dadaallada ku aaddan ee Wasaaraddu ay ku horumarinayso maareynta deegaanka.

Waxaa ay sidoo kale isku afgarteen in ay dhinac ugu soo wada jeestaan wax walba oo caqabad ku ah badqabka Deegaanka iyo teegeeriddda yoolalka Wasaaradda ee hiigsanayso, kaas oo garab looga baahan yahay Rugta ganacsatada iyo Warshadaha si loo dardargeliyo mashruuca Soomaaliyada Cagaaran ee ka mid ah Himilada Wasaaradda Deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here