Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa muddo 8 sano ah ka dib magaalada Beijing kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalka Shiinaha, Xi Jinping.
Starmer ayaa ka hor kulanka sheegay in xiriirka ganacsi ee Shiinaha iyo UK yahay mid istiraatiiji ah, isla markaasna uu sii xoojin doono.
Madaxweyne Xi Jinping ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo wadahadal iyo iskaashi xilligan dunida wajaheyso dhibaatooyin dhaqaale iyo mid amni.
Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadlay fursadaha iskaashi ee jira iyo meelaha ay iska taageeri karaan.
Ra’iisul wasaaraha UK waxaa safarkiisa saddexda maalmood ah ku weheliya wafdi ballaaran oo ka kooban ku dhowaad 50 shirkadood oo kuwa ugu waaweyn UK ah, sida HSBC, British Airways, AstraZeneca iyo GSK. Shiinaha ayaa ahaa dalka afraad ee ugu ganacsiga weyn UK sanadkii 2025, iyadoo ganacsiga labada dhinac uu gaaray $137 bilyan.
Marka laga soo tago arrimaha ganacsiga, labada dhinac ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan iskaashi ku saabsan sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha dambiilayaasha ah ee dadka sida sharci darrada ah ugu tahriibiya UK.
Si kastaba ha ahaatee, booqashadan ayaa ku soo aadaysa xilli uu jiro cadaadis gudaha UK ah oo ku saabsan diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Shiinaha iyo xaaladda magaalada Hong Kong.
Sidoo kale, xiriirka labada dal ayaa wajahaya caqabado ka dhashay isbeddellada siyaasadeed ee dalka Mareykanka, gaar ahaan dagaalka dhanka canshuuraha ee uu wado madaxweyne Donald Trump.
Booqashadii ugu dambeysay ee Ra’iisul Wasaare Ingiriis ah uu ku tago Shiinaha waxay ahayd sanadkii 2018-kii, markaas oo ay booqatay Theresa May.






