spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxay kayiraaden Maamulka Koofur Galbeed dagaalka ka socda Baydhabo ?

Maxay kayiraaden Maamulka Koofur Galbeed dagaalka ka socda Baydhabo ?

0
7

Khamiis 5 Feb 2026 {HMC}Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa war ka soo saarey dagaalka ka socda magaalada Baydhabo ee u dhaxeeya Ciidanka Amniga iyo askar ka soo horjeeda maamulkaasi.

Qoraal kooban oo lagu lagu daabacay bogga warbaahinta maamulkaasi ayaa lagu sheegay in goordhow la soo gaba gabeyn doono dagaalka saacadaha ka socda magaalada Baydhabo.

“Ciidamada Ammaanka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay goordhow soo afjaraan howlgal ballaaran oo saaka ka bilowday magaalada Baydhabo, Howlgalkaasi ayaa lagu baacsanayay kooxo burcad nabad-diid ah oo dhibaatooyin ku hayay shacabka ku nool magaalada Baydhabo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Howlgalka ayuu maamulka ku tilmaamay mid lagu soo celinayo xasiloonida magaalada iyo amniga guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here