Khamiis 19 March 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal bin Farxaan Al Sacuud, ayaa sheegay in dalkiisu awood u leeyahay inuu bixiyo jawaab adag oo ka dhan ah weerarrada Iiraan, balse ilaa hadda ay doorteen is-xakameyn.
Wasiirku wuxuu Iiraan ugu baaqay inay dib u eegto istaraatiijiyaddeeda ku aaddan weerarrada ay ku beegsanayso dalalka dariska la ah ee Khaliijka Carabta.
“Ma doonayo inaan Boqortooyada Sacuudiga qaado weerar ilaa hadda waan isdifaaceybaa, mana ahan Caqligal in aan Iiraan arrintaasi ku sameyno” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga.
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Laakiin waa muhiim in Iiraan ay fahamto in boqortooyada, iyo sidoo kale saaxiibadeeda la weeraray iyo kuwa kale, ay leeyihiin awood iyo karti aad u weyn oo ay adeegsan karaan haddii ay go’aansadaan.”
Hadalka Sacuudiga ayaa ku soo aadaya xilli Iiraan ay duqeymo culus ka fulisay gudaha dalalka Carabta ee Saldhigyada ku leeyihiin Ciidanka Mareykanka.



