Arbaco1 Jan 2025 {HMC} Qoraal kasoo baxay Xafiiska Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ku dhawaaqday in muddo seddex bilood ah, oo ka bilaabanaysa 1-da Janaayo ilaa 31-ka Maarso 2025, si ku-meel-gaar ah loo hakiyey hawlaha wax-ka-beddelka xogta baasaboorka, gaar ahaan kuwa la xiriira burinta ama beddelidda macluumaadka ku jira baasaboorka.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in Go’aankan, oo ay hay’addu sheegtay inuu yahay mid ku saleysan horumarinta iyo tayeynta baasaboorka Soomaaliga, ayaa loogu talagalay in dib-u-eegis lagu sameeyo habraacyada iyo farsamooyinka la xiriira wax-ka-beddelka xogta baasaboorka.
Shacabka waxaa lagu wargeliyay in Hakintaan Ku-meel gaar ah aysan saameyn doonin wax-kabedelka xarfaha la waafajinayo documentiyada rasmiga ah.
Hay’adda ayaa tilmaantay in arrintan ay tahay tallaabo loo qaaday ilaalinta iyo kor-u-qaadidda sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed ee caalamka.







