spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxay tahay sababta uu ufurmi layahay shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha...

Maxay tahay sababta uu ufurmi layahay shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ?

0
14

Khamiis 12 Feb 2026 {HMC}  Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqabalka ee ay ku mideysan yihiin xubnaha Mucaaradka, Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Arrinka ugu muhiimsan ee diiradda lagu saarayo kulamada gaar gaar ah ayaa ah goobta lagu qabanayo shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kaasi oo uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Shiikh.

Dowladda Federaalka ayaa soo jeedisay in shirka ka qabsoomo Madaxtooyadda dalka, si loo muujiyo in laga wada hadlayo go’aanno masiiri ah oo taabanaya maslaxadda Qaranka.

Balse, arrintaasi ayaa waxaa ka gows adeegaya Madaxda Golaha Mustaqbalka gaar ahaan Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo ku baaqaya in shirka ka dhaco Hoteel ku yaalla Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Goor sii horreysay Wasiirka Difaaca Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Fiqi ayaa sheegay in ay maamulada Jubbaland iyo Puntland ku baaqeen in shirka ka dhaco Hoteelka ay ka deggan yihiin Muqdisho, tillaabadaasi oo uu muujiyay in ay ka mudan tahay Madaxtooyadda Qaranka.

Dhankooda, Mas’uuliyiin u hadlay Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad u qeexin doonistooda la xiriirta in shirka lagu qabto goob ka baxsan Madaxtooyadda.

Shirka ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro qoddobo muhiim ah oo ay kamid yihiin arrimaha Amniga, Abaaraha iyo siyaasadda gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka.

Ilo xog ogaal ah ayaa dhankooda sheegaya in dib u dhac ku imaan doono shirka, maadaama Madaxweyne Xasan Shiikh la filayo inuu u safro magaalada Adis Ababa oo uga qeyb galayo shirka Midowga Afirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here