Maxay tahay Waxa uu kubooriyey Midowga Yurub mucaaradka Soomaaliya?

0
27

Jimco 23-Jun 2026 {HMC} Midowga Yurub ayaa ku boorriyay isbahaysiga mucaaradka Soomaaliya inay aqbalaan casuumaadda dowladda ee ka-qaybgalka madasha wadatashiga qaran, isaga oo ku baaqay wada-hadal loo dhan yahay si xal loogu helo ismariwaaga siyaasadeed ee sii xoogaysanaya ee ku saabsan doorashooyinka soo socda.

Baaqan ayaa yimid xilli Midowga Yurub uu soo dhoweeyay casuumaadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (Somali Future Council) si ay uga qayb qaataan wada-hadallada.

“Midowga Yurub wuxuu soo dhoweynayaa casuumaadda ay DFS u dirtay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ku aaddan madasha qaran. Wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaadhayo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyinka ka hor inta aan muddo-xileedyadu dhammaan waa furaha,” ayay tiri Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, oo hadalkeeda ku baahisay baraha bulshada ee X.

Di Mauro waxay intaas ku dartay in Midowga Yurub uu rajaynayo “wada-hadallo wax ku ool ah,” isla markaana ay ku dhiirrigelisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya inay si togan uga jawaabaan casuumaadda dowladda.

Horraantii toddobaadkan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u casuuntay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, si ay uga qayb qaataan madasha la qorsheeyay inay ka furanto Muqdisho 1-da Febraayo.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay xubno ka yihiin hoggaamiyeyaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland iyo sidoo kale dhowr ra’iisul wasaare hore, ayaa muujiyay shaki ku aaddan waxa ay ku tilmaameen nidaam doorasho oo ay dowladdu si keligeed ah u waddo.

Horraantii bishan, goluhu wuxuu soo saaray digniin ku baaqaysa in la qabto kulan wadatashi ballaaran ugu dambayn 20-ka Janaayo si looga doodo khariidadda doorashooyinka.

Dadaallada diblomaasiyadeed ee Midowga Yurub ayaa imanaya xilli hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay shirar ku yeelanayaan Nairobi, Kenya, si ay uga arrinsadaan jawaabtooda rasmiga ah ee ku aaddan casuumaadda dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here