khamiis 18 December , 2025 (HMC) Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa baahiyay muuqaal muran dhaliyay oo dhulka dalal ku yaalla Geeska Afrika ku daraya Itoobiya.
Muuqaalka ayaa waxaa lagu bandhigay munaasabadda soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha Hindiya oo booqasho ku tagey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Khariidadda ayaa muujineysa in Itoobiya ay ku fidsan tahay dhulal si caalami ah loo aqoonsan yahay in ay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo gabi ahaanba la waayay dalalka Eritrea iyo Jabuuti.
Arrintan ayaa dhalisay cambaareyn iyo dhaleeceyn ka timid bulshada ee dalalka Soomaaliya, Jabbuuti iyo Eretariya, iyadoo lagu tilmaamay mid marin habaabin ah.
Sidoo kale, wuxuu dhaawacaya madaxbannaanida dalalka iyo xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.
Muuqaalka muranka dhaliyay ayaa weli laga heli karaa baraha rasmiga ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyadoo weli aysan ka bixin jawaab la xiriirta carada bulshada.
Khariidada muranka dhalisay ayaa ku soo aadeysa xilli Itoobiya ay dhowr jeer ku celcelisay in ay dooneyso bad ay leedahay oo badeecada u soo marto.






