spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxeey ka wada hadleen Trump iyo Netanyahu.?

Maxeey ka wada hadleen Trump iyo Netanyahu.?

0
28

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inay ka wada hadleen soo jeedin lagu soo afjarayo dagaalka ka socda Qaza.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku uu dhex-dhexaadin doono wadahadal u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin, isla markaana 72 saacadood gudahood kadib marka Israa’iil ogolaato heshiiska, la sii deyn doono dhammaan maxaabiista Israa’iil.

Aqalka Cad wuxuu intaa ku daray in haddii labada dhinac ay ogolaadaan, dagaalku si degdeg ah u istaagi doono.

Sidoo kale Aqalka Cad ayaa sheegay in Israa’iil aysan qabsan doonin Qaza dhulkeeda, isla markaana aan cidna si khasab ah looga saari doonin magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here