spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxeey Yihiin Danaha uu Mareykanka Ka Leeyahay Iiraan ee oo shaaciyay?

Maxeey Yihiin Danaha uu Mareykanka Ka Leeyahay Iiraan ee oo shaaciyay?

0
49

Khamiis 26 june 2025 {HMC}  Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in uu hadda ku kalsoon yahay in uu burbur weyn u geystay barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Waxaa uu dhanka kale shaaciyay, inuu doonayo in uu dib u furo wadahadalladii Tehraan ee barnaamijka nukliyeerka looga hadlo.

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in xogtii ugu dambaysay ay xaqiijinayso, in la burburiyay saddexdii goobood ee ugu waaweynaa Nukliyeerka Iran.

Si kastaba ha ahaatee, ergeyga madaxweyne Trump ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in uu sii wadi doono in uu Iran ku cadaadiyo in ay ka tanaasusho barnaamijkeeda tayeynta nukliyeerka.

Steve Witkoff waxa uu sheegay in uu rajaynayo in uu dib u bilaabo wadahadaladii ku saabsanaa heshiis nabadeed oo dhamaystiran todobaadka soo socda

Laakiin wuxuu sheegay inuu hadda ku rajo weyn yahay heshiis nabadeed oo dhammaystiran oo lala gaaro Tehran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here