Axad 4, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho hoygiisa ugu yimid Madaxweynihii hore ee dalka ahna hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Kulanka waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen tabashooyin shaqsi ah iyadoona arrimahaasi laga heshiiyay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulanka ku muujiyay rabitaankiisa ku aadan qabashada shir wadatashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradku horay ugu baaqeen, isaga oo ka dalbaday Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed inuu door muuqda ka qaato sidii shirkaasi u noqon lahaa mid guul ku dhammaada oo lagu gaaro heshiis qaran.
Dhankiisa, Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa adkeeyay in uu diyaar u yahay ka qayb-qaadashada dadaal kasta oo horseedi kara in ay Soomaali isku timaado, laguna xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira, isaga oo tilmaamay muhiimada ay leedahay midnimo, isku-tanaasul iyo wada-hadal dhab ah.

– Dhammaad –



