Axad, 08 Feb 2026 {HMC} Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka codsatay ciidamada Eritrea in ay ka baxaan dhulka Itoobiya oo ay sheeganayso in ay ka taliyaan iyo in ay diyaar u yihiin wadahadal.
Wasaaradda ayaa ku sheegtay warqad ay u dirtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea Sabtidii Janaayo 30, 2018, in Eritrea ay ku xad-gudbeyso madaxbanaanida Itoobiya iyo dhulka ay haysato ee waqooyi-bari.
Danjire Nebiat Getachew oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa BBC-da u xaqiijiyay jiritaanka warqaddaasi.
Warqadda ayaa lagu xusay in dowladda Itoobiya ay dhowr jeer codsatay in ciidamada Eritrea laga saaro dhulkeeda; Haddii codsigan la aqbalo, waxay diyaar u tahay in la galo wada xaajood daacad ah si loo xalliyo dhammaan arrimaha danta labada dhinac, oo ay ku jiraan adeegyada badda iyo gaaritianka badda ee dekedda Casab.
Warqaddan, oo u qoray wasiirka Arimaha dibadda Gideon Timothy ee loo diray wasiirka arimaha dibadda ee Eretria Osman Salah waxaa lagu xusay in ciidanka Eritrea ay qabsadeen waqooyi bari, iyagoo ku xad gudbaya madaxbanaanida Itoobiya “muddo dheer”.
Isla warqadda, wuxuu ku eedeeyay dowladda Eritrea inay “taageerada iyo gargaarka tooska ah” siiso kooxaha hubaysan ee kala duwan ee aan la magacaabin ee ku sugan xuduudka labada dal.
In kasta oo kooxaha maleeshiyaadka ah aan magacyadooda lagu xusin warqadda, haddana dawladda Itoobiya ayaa hore ugu eedaysay Eritrea inay taageerto kooxaha TPLF iyo Fano.
Warqadda ayey Itoobiya ku sheegtay in inkastoo dowladda Eritrea marar badan in ay farha kala baxdo ku xad gudubto madax bannaanideeda iyo xuduudaheeda, haddana dadaalkeeda aan dheg loo dhigin.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa warqadda ku sheegtay in “isbedelka lagu arkay xuduudka labada dal maalmihii lasoo dhaafay uu muujinayo in dowladda Eritrea ay dooratay waddo burbur oo hor leh”.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Eritrea ay waddo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah maleeshiyaad aan magacyadooda lagu sheegin warqadda.
Wuxuu cambaareeyay soo gelitaanka ciidamada Eritrea ee dhulka Itoobiya ee ku yaalla xuduudka waqooyi Bari ee Itoobiya iyo tallaabada milateri ee ay wadajirka u qaadeen ciidamada Eritrea iyo kooxaha fallaagada ah ee ku sugan xuduudda waqooyi galbeed ee dalkaas, isagoo sheegay in “falalkaasi uusan ahayn kaliya xad-gudub sharciga ah, balse uu yahay duullaan dhammaystiran”.
Waxa uu intaasi ku daray “Waxa aan si cad ugu baaqaynaa dawladda Eretria inay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxdo dhulka Itoobiya, isla markaana ay joojiso wada shaqaynta ay la leedahay kooxaha fallaagada ah si loo soo afjaro xaaladdan aan la aqbali karin”.
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka codsatay ciidamada Eritrea in ay ka baxaan dhulka Itoobiya oo ay sheeganayso in ay ka taliyaan iyo in ay diyaar u yihiin wadahadal.
“Waxa aan diyaar u nahay inaan si ixtiraam leh uga tashano qaab ilaalinaya danaha qaran ee labada dal,” ayaa lagu yiri warqadda Wasiirka Arrimaha Dibadda, balse cagajugleynta ay hadda ku hayso Eritrea waa mid aan la aqbali karin xaalad kasta.
Waxa uu intaa ku daray, “Waxa aan si cad ugu baaqaynaa Eritrea inay si deg-deg ah ciidamadeeda ula baxdo oo ay u diyaar garowdo wadahadal nabadeed.”
Warqadda oo sharraxaysa in labada waddan ay ku jireen xaalad colaadeed muddo nus qarni ah, ayaa lagu sheegay in colaaddan soo noqnoqotay “ay suurtagal tahay in lagu xalliyo wadahadal iyo dadaal diblomaasiyadeed. Waxay kalooy sharraxaysaa in dawladda Itoobiya ay diyaar u tahay inay wadahadal nabadeed ku xalliso khilaafaadka jira haddii Eritria ay jawaab wanaagsan ka bixiso.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tiri, “Haddii aan jawaab wanaagsan ka helno codsigeena sharciga ku saleysan ee ku aaddan in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Itoobiya, dowladda Itoobiya waxay diyaar u tahay inay si niyad-sami ah u gasho wadahadallo lagu doonayo in xal buuxa looga gaaro dhammaan arrimaha la wadaago, oo ay ku jiraan arrimaha badda iyo gaarista badda ee dekedda Casab.”
Ilaa hadda ma jirto jawaab rasmi ah oo ka soo baxday warqaddan oo ka timid dowladda Eritrea.
Warqadda Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ayaa lagu sheegay “in ay naga go’an tahay in aan sahminno xiriirka ku saleeysan is ixitiraam iyo faham iyagoo muujiyay rajada ah in ay ka heli doono jawaab wanaagsan.
Dabayaaqadii bishii Sebtembar ee sanadkii hore, wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxay warqad u dirtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, waxayna ku eedaysay xukuumadda Eritrea iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) inay “ka wada shaqaynayaan” sidii “ay ugu dabaabuli lahaayeen dagaal ka dhan ah Itoobiya”.
Horaantii bishii Janaayo, Booliiska Federaalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda Eritrea ay gacanta ku dhigtay in ka badan 56,000 oo rasaas ah oo ay soo dirtay kooxda TPLF ee Tigrayga, iyadoo la kaashanaysa burcadda gudaha Itoobiya iyo cadawga taariikhiga ah.
Itoobiya ayaa marar badan ku eedaysay dowladda ay deriska yihiin ee Eritrea in ay hub iyo saanad kala duwan siiso maleeshiyaadka Fano ee ka howlgala gobolka Axmaarada.
Waxa xusid mudan in bishii July ee sanadkii hore ay sidoo kale Itoobiya ku wargelisay Qaramada Midoobay in ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin deegaano ku teedsan xuduudka Itoobiya, isla markaana ay weli socdaan xadgudubyo xooggan.
Danjire Tsegab Kbebew, oo ah wakiilka Itoobiya ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in “warbixinnada ku saabsan xad-gudubyada xun ee xuquuqda bini’aadanka ee xuduudaha ay sii wadaan ay soo baxayaan.”
Xigasho BBC






