Arbaco, Sep 24, 2025 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay kiis dacwadeed ka dhan ah labo Askari oo katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo kala ah Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed kuwaas oo ku eedaysan in ay saxiixeen saxiix aysan xaq u lahayn oo ay ku dhimatay Nimco Muuse Axmed oo uur lahayd 31kii Maarso 2025.
Xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa labadaan eedaysane ku eedeeyay in ay iska dhigeen Aabaha ubadka caloosha ku jiray iyo walaalka Marxuumadda sidaasina ay ku saxiixeen uguna geeriyootay Isbitaalka Digfeer (Recep Tayyip Erdogan Hospital) ee Magaalada Muqdisho.
Eedda Xafiiska Xeer Ilaalinta, difaaca qareennada Eedeysanayaasha, warqadaha laga keenay Isbitaalka iyo su’aalo weydiinta Labadaan Askari ayaa ku dhowaad saacad qaadatay, dhinac weliba waa xeer ilaalinta iyo qareennada waxa ay maxkamadda la tageen caddeymo ku filan si kiiska natiijadiisa dhankooda usoo maro.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa gunaanadkii fadhiga soo xiray, waxaana laga sugayaa natiijada go’aanka kiiskaan maadaama uu kamid yahay kuwa mar la aragga ah ee la horgeeyo Maxkamaddaan oo muddooyinkii dambe kiisas kala duwan qaadaysay.






