spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxuu yahay Heshiiska dhinaca Socdaalka ah oo ay kala Saxiixdeyn Turkiga oo...

Maxuu yahay Heshiiska dhinaca Socdaalka ah oo ay kala Saxiixdeyn Turkiga oo Soomaaliya.?

0
20

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC}  Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas ayaa sheegay in Dowladdiisa ay gacan ka gaysaneyso horumarinta Awoodda Farsamo ee lagu horumarinayo nidaamka Socdaalka Dalka sida uu hadalka u dhigay.

Alper Aktas oo la kulmay Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, waxaana xog is dhaafsi kaddib ay ku ballameen in Turkiga uu doorkiisa ka qaato horumarinta Maamulka Socdaalka & Amniga Xuduudaha.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka gacansiiya dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo shirkado ka socda dalkaas ayaa maamula Dekedda & Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, tababarka ciidamada & kuwo kale.

Xukuumadaha Muqdisho iyo Ankara waxaa ka dhaxeeya cilaaqaadka xooggiisa soo billowday sanadkii 2011kii waqtigaas oo Turkiga uu dalka kusoo galay u gargaariddii Dadkii kasoo baracakay Abaar xooggan oo waddanka ku dhufatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here