spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Mexico oo Diiday in Dalkeeda Tagaan Ciidamada Mareykanka

Mexico oo Diiday in Dalkeeda Tagaan Ciidamada Mareykanka

0
81

Axad 04, May 2025 {HMC}  Madaxweynaha dalka Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa si cad u sheegtay inay diiday dalab uga yimid Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo doonayay in ciidamada Mareykanka loo oggolaado inay ka howlgalaan gudaha Mexico si ay uga qeyb qaataan la-dagaalanka dambiyada abaabulan, gaar ahaan kuwa la xiriira maandooriyaha.

Sheinbaum oo ka hadleysay munaasabad dadweyne, ayaa sheegtay in Trump uu la soo xiriiray si uu u weydiiyo sida uu uga caawin karo dagaalka ka dhanka ah kartellada daroogada, balse uu ku soo jeediyay in la keeno ciidamo Mareykan ah gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegtay inay si cad ugu sheegtay Trump in aysan waligeed oggolaan doonin arrintaas.

Waxay tiri: “Waxaan u sheegay: Maya, Madaxweyne Trump, dhulkayagu waa lama taabtaan, madaxbannaanideennu waa lama taabtaan, suuq uma aha madax-bannaanideennu.”

Hadalka Sheinbaum ayaa yimid maalin kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu daabacay war sheegaya in Trump uu cadaadis ku saarayay dowladda Mexico si loo kordhiyo faragelinta ciidamada Mareykanka ee gudaha dalkaas, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha maandooriyaha ka ganacsada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here