Mid kamid ah Diyaaradaha militari Turkiga oo burburtay.

0
37

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Diyaarad xamuulka qaada ah oo ay leeyihiin militarig Turkiga ayaa ku burburtay xuduudda u dhaxeysa Georgia iyo Azerbaijan Diyaaradan oo nooceedu yahay A C-130 oo ku soo socotay dalka Turkiga.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa shaacisay in diyaaradda ay saarnaayeen 20 qof oo ay ku jiraan shaqaalihii diyaaradda.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay inay socdaan dadaallada lagu baadigoobayo burburka diyaaradii ku burburtay xadka labada dal. Edogan waxa uu yiri “Waxaan rajaynaynaa in aan shilkan ka smatabixi doono , Illaahay ha u naxariisto shuhadadayada”.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa isna dhankiisa ka tacsiyeeyay geerida ku timid, isagoo yiri “Waxaan aad uga xunahay warka murugada leh ee askarta shahiiday”.

Wasaaradda Difaaca turkiga ayaa ku dhawaaqday in dadaallada baadigoobka iyo samatabbixinta ay bilaabeen iyadoo la kaashanayo Azerbaijan iyo mas’uuliyiinta Georgia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here