Talaado 30 Sep 2025 {HMC} Warbixin uu dhawaan soo saaray xafiiska tirakoobka Kenya, ayaa lagu sheegay in magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ay kamid noqotay mid kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan ee dalka Kenya.
Warbixintan waxa si weyn u soo dhoweeyay shacabka ku nool magaaladaas. BBC-da ayaa makarafoonka la dhex martay qaark kamid ah dadweynaha magaalada Wajeer oo isugu jira nabadoonno iyo dad shacab ah,,,waxayna yiraahdeen sidatan:
Maxamed Xaaji Dhaqane oo kasoo shaqeeyay Ciidamada Badda haatan ka tirsan odayaasha ka shaqeeya amniga magaalada aya asheegay in magaaladu ay xuduud la leedahay Soomaaliya iyo Itoobiya isagoo sheegay in dowladii iyo shacbka oo is kaashaday ay keentay in amaanka magaladu uu hagaago oo nqodo mid ka mid ah kan ugu wanaagsan magaalooyinka Kenya .
Isaaq Cali Axmed oo ka mid dadka deggan Wajeer ayaa sheegay in sababta amnigu uu u hagaagay ay tahay in markii dhib dhaco ay dadka magaaladu si wadajir ah ugu istaagaan xalka arintaas isagoo intaas ku daray in laamaha amniga sida Booliska iyo milaterigu ay qeyb libaax ka qaateen amniga magaalada.
Dhanka kale Axmed Cabdulqaadir Sahal oo ku sugan Wajeer ayaa sheegay in sababta ay Wajeer u noqotay mid ka mid ah magaalooyinka ugu amniga badan Kenya ay tahay in dadkeedu ay tashadeen sida odayaasha, siyaasiyiinta , culimiada iyo ganacsatada si ay magaaladu u noqoto magaallo amni ah, sidoo kale waxa uu uga mahad celiyay dowladda oo gacan ka geeysatay suguda amniga.
XIGASHO BBC



