spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Midowga Afrika oo ka soo horjeestay go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Midowga Afrika oo ka soo horjeestay go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

0
16

Jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Midowga Afrika ayaa ka soo horjeestay go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland , iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, lagu sheegay :

“Guddoomiyaha Guddiga Maxamuud Cali, wuxuu si adag u diiddan yahay wax kasta oo hindise ama tallaabo ah oo lagu doonayo in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan, isagoo xusuusinaya in Somaliland ay weli tahay qayb aan ka go’ayn Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Isku day kasta oo lagu wiiqayo midnimada, madax-bannaanida, iyo dhul-weynaha Soomaaliya wuxuu ka hor imanayaa mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, wuxuuna abuuri karaa tusaale khatar ah oo saameyn ballaaran ku yeelanaysa nabadda iyo xasilloonida guud ahaan qaaradda.

Guddoomiyaha wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida aan leexleexad lahayn ee Midowga Afrika uga go’an tahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu si buuxda u taageerayaa dadaallada ay wadaan hay’adaha dowladda Soomaaliyeed ee lagu xoojinayo nabadda, lagu adkaynayo hay’adaha dowliga ah, laguna horumarinayo maamul loo dhan yahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here