spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Midowga Afrika oo War ka soo saaray doorashadii ka dhacday dalka Tansaaniya.

Midowga Afrika oo War ka soo saaray doorashadii ka dhacday dalka Tansaaniya.

0
45

Sabti 1, Nov 2025 {HMC} Ururka Midowga Afrika ayaa aqoonsaday doorashadii ka dhacday dalka Tansaaniya oo 98% cododka la dhiibtay la sheegay inay ku guuleysatay madaxweynaha xilka heysa, Samia Suluhu Hassan, iyadoo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika , Maxamuud Cali Yuusuf uu hambalyo u diray Samia Suluhu.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Midowga Afrika , waxaa lagu yiri ; “Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa la socday natiijooyinka doorashada madaxtinimada ee ka dhacday Tansaaniya, wuxuuna hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tansaaniya, Marwo Samia Suluhu Hassan, guusha ay ka gaartay doorashada.”

Warsaxaafadeedka wuxuu ka dhiganyahay inay si deg deg ah sharciyad u heshay natiijada doorashada Tansaaniya, oo mucaaradka dalkaa ay ku sheegeen doorasho lagu shubtay, xilli xataa isku soo baxyo natiijada doorashada looga soo horjeeda ay ka dhaceen magaalooyinka Tansaaniya, balse taasi waxba uma dhimin oo Samia Suluhu, waxay isku rogtay hoggaamiye awood leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here