Midowga Yurub oo go’aan adag ka soo saaray xaaladda Iran

0
4

Talaado 13 jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Baarlamaanka Yurub, Roberta Mitzola, ayaa ku dhawaaqday mamnuuc guud oo lagu soo rogay dhammaan diblomaasiyiinta iyo wakiillada Iiraan ee doonaya inay galaan dhismayaasha baarlamaanka, taasoo ay ku tilmaantay jawaab celin ka dhan ah cabburinta mudaharaadyada Iiraan .

“Xaaladda sidan ma sii socon karto,” ayay Mitsola u sheegtay baarlamaanka. “Iyada oo shacabka Iiraan ee geesiya ahi ay sii wadaan halgankooda xuquuqdooda iyo xorriyaddooda, maanta waxaan go’aansaday in la mamnuuco dhammaan shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo wakiillada kale ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan inay galaan dhammaan dhismayaasha Baarlamaanka Yurub.”

Guddiga Yurub ee arrimaha dibadda iyo Taliska Sare ee Midowga Yurub ayaa hore u sheegay in Midowga Yurub uu ka fiirsanayo in uu soo rogo cunaqabatayn dheeraad ah oo ka sii “adagsan” Iiraan, si looga jawaabo cabburinta xooggan ee mudaharaadyada dalkaas ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here