Jimco 27 Feb 2026 {HMC} Ururka Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan €63 Milyan oo Yuuro una dhiganta ($74.39 Milyan oo doollar) si wax looga qabto xaaladaha bani aadamnimo ee kasii daraya ee xooggooda ka dhashay Abaarta, cunno la’aanta & kuwo kale.
Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in tani ay qayb ka tahay howlaha loogu gurmanayo 6.5 Milyan oo ruux saddex meelood meel kamid ah xaalado cunno la’aan darran oo ku dhow macluul ay wajahayaan sida hadalka loo dhigay.
“Midowga Yurub waxa uu ka qaybqaadashaan cusub ugu talagalay in uu ku garab istaago Shacabka Soomaaliyeed ee xiligaan xaaladda adag wajahaya, Tani waxa ay xal kooban u noqon doontaa Dadka xaaladahaas wajahaya” Sidaasi waxaa lagu yiri Bayaanka EU.
Dadka dhibaataysan waxaa la sheegay in 1.85 milyan oo kamid ah ay yihiin Carruur da’doodu ka yar tahay 5ta sanno kuwaas oo aan haysan waxyaabaha ka difaaci kara xaaladaha nafaqo darro ee kusoo wajahan sida warbixinta lagu xusay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in xaalado adag oo abaar ay ka jirto Dalka, waxa ay xustay in gargaarka degdeg ah ay u baahan yihiin qoysas badan oo isaga guuray deegaannadooda kaddib markii dhulkii uu doogga ka dhammaaday & biyo la’aana ay ku dhacday.






