Khamiis 8 Jun 2026 {HMC} Trump ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyada milatariga Mareykanka la gaarsiiyay 1.5 tiriliyan oo doollar , taasi oo ah miisaaniyada ugu badan ee dal ciidankiisa uu galiyo.
Wuxuu yiri ; “ Waxaan go’aamiyay si danta dalkayaga loo ilaaliyo, gaar ahaan xilliyadan aadka u qalafsan ee halista badan miisaaniyadda militari ee 2027 in la gaarsiiyo $1.5 tiriliyan oo doollar.”
Isla markii go’aankan soo baxay , weriyaha iyo falanqeeyaha siyaasadda Mareykanka Tucker Carlson ayaa si adag uga falceliyay, isagoo barnaamijkiisii ugu dambeeyay ku sheegay:
“Tani ma aha miisaaniyad nabad-ilaalin ah. Waa miisaaniyad dagaal, miisaaniyad dagaal oo weyn.”
Wuxuu intaa ku daray: “Si cad, tani waa miisaaniyad uu yeesho dal filaya dagaal caalami ah ama mid goboleed.Dhammaan calaamadaha jira waxay muujinayaan inaan dhawaan wajihi doono dagaal weyn. Waxaan rajeynayaa inuusan dhicin, balse si cad ayaan ugu sii soconnaa jihada dagaal caalami ah.”






