khamiis 01, May 2025 {HMC} Nidaamka cadaalada militariga ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa codsi rasmi ah u diray golaha senate-ka si xasaanadda laga qaado madaxweynihii hore ee dalka Joseph Kabila.
Kabila oo hadda ah senator joogto ah ayaa looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay Isbaheysiga Wabiga Congo oo ah isbaheysiga fallaagada.
Waxaa loo haystaa khiyaamo qaran, dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, iyo ka qaybqaadashada dhaqdhaqaaqyo fidno abuur ah.
Falalka la sheegayo ayaa dhacay ka dib xilligii madaxtinimadiisa. Wasiirka cadaalada Constant Mutamba ayaa sheegay in cadeymo hadda la hayo.
Xisbiga Joseph Kabila oo ay dowladdu shaqadiisa joojisay ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.



