spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Militariga Dalka sudan oo guul ka gaaray gaaray Kooxda RSF.

Militariga Dalka sudan oo guul ka gaaray gaaray Kooxda RSF.

0
14

Talaado 3 Feb 2026 {HMC} Ciidamada milatariga Dowladda Suudaan ayaa jebiyay go’doomintii ay saareen maleeshiyaadka Rapid Support Forces (RSF) ee magaalada Kadugli, oo ah caasimadda gobolka Koonfurta Kordofan.

Labo ilo milatari ayaa Talaadadii u sheegay Wakaaladda Wararka Faransiiska (AFP) in ciidammadu ay galeen gobolka Kordofan.

“Ciidamadeennu waxay galeen Kadugli, waxaana la qaaday go’doomintii,” ayuu yiri mid ka mid ah ilaha milatariga, isagoo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Magaalada Kadugli ayaa muddo dheer ku jirtay go’doomin, iyadoo uu socdo dagaalka ku dhowaad saddex sano jirka ah ee u dhexeeya milatariga Suudaan iyo RSF, kaas oo billowday Abriil 2023. Sannadkii hore, Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in macaluul ay ka jirto magaalada.

Kadugli waxaa ku hareeraysnaa dagaalyahannada RSF iyo xulafadooda maxalliga ah ee Ururka Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Dadka Suudaan – Waqooyi (SPLM-North).

Kooxahaas ayaa sidoo kale go’doomiyay magaalada deriska ah ee Dilling, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in macaluul ka jirtay, ilaa ay ciidammada dowladda jebiyeen go’doomintaas dabayaaqadii Janaayo.

Toddobaadkan, ciidanka ayaa horumar ka sameeyay dhul dhan qiyaastii 100 kiiloomitir oo u dhexeeya Dilling iyo Kadugli.

“Kaddib dagaallo culus oo ka dhacay waddada u dhexeysa Dilling iyo Kadugli, ciidamadeennu waxay jab xooggan gaarsiiyeen RSF iyo maleeshiyada taageerta Cabdulcasiis al-Hilu, waxaana ka gaaray khasaare culus,” ayuu AFP u sheegay ilo kale oo milatari.

Dagaalka, oo hadda galay sannadkiisii saddexaad, ayaa sababay dhimashada kumannaan qof, wuxuuna barakiciyay ku dhowaad 11 milyan oo qof.

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here