Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Kulankii magaalada Mombasa dalka kenya uga socday Xubnaha Goleyaasha warbaahinta Bariga Afrika EAPC ayaa lagu saxiixay heshiiska Dastuurka ay yeelanayaan Golaeyaasha warbaahinta Bariga afrika.
Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa la soo bandhigay aadna loo falanqeeyay Dastuurka, ugu dambeyna mabd’a ahaan ayaa la isku raacay qaabdhismeedka goboleed ee Xeerka Anshaxa ee Saxafiyiinta Bariga Afrika iyo qaabeynta dhaqanka Saxaafadda Bariga Afrika.
Kulanka oo lagu soo gabagabeeyay saxiixa Dastuurka Goleyaasha Saxaafadda Bariga Afrika waxaa wada saxiixay goleyaasha warbaahinta waddamada bariga Afrika ee Kenya, Uganda Tansaniya, Ruwanda, Kongo iyo Ururka Saxafiyiinta Soomaliyeed FESOJ ee Soomaliya.
Goleyaasha Saxafada Bariga Afrika (EAPC) waxaa loo aasaasay si ay u horumariyaan xorriyadda saxaafadda, xirfadda, iyo xeer-nidaamiyaha guud ahaan Bulshada Bariga Afrika (EAC). Sida ku cad qodobka 104 ee EAC.






