Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan oo mar kale maanta kulmaya.

0
29

Axad, 20 Jully 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa in mar kale uu dhageysto tabashada xubnaha Mucaaradka ee ku midoobay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Kulanka maanta ayaa lagu cillaamiyay wareegii labaad ee wada hadallada, kuwaasi oo qabsoomay 3 bishaan.

Madasha Mucaaradka oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore, Shariif Shiikh Axmed ayaa ka kooban, Ra’iisul wasaarayaashii hore iyo Madax kale.

Shirka maanta ayaa la filayaa in lagu sii wado doodaha la xiriira Dhammeystirka Dastuurka iyo Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Lama oga wax yaabaha ka soo bixi kara shirkaan, iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha Mucaaradka Dowladda.

Kulanka wuxuu ku soo aadaya xilli maamulada Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin nidaamka wax ka badalka Dastuurka dalka iyo jiheynta Doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here