Arbaco1 April 2026 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in sanadkaan 2026 ay dhammaan dhisayaan Waddooyinka burbursan ee Caasimadda, waxa uu Shacabka ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Shacabka looga baahan yahay ilaalinta waddooyinka dib u dhiska lagu sameeyay sida nadaafaddiisa iyo wax weliba oo sababi kara in waddooyinkaas dib u burburaan, doorka Dowladda hoosena ee hagaajintiisa uu maamulku qaadanayo.
Waddada isku xirta Shaqaalaha ee dadka qaar u garanayaan 26ka Juun ilaa Warshadaha oo ay uga darsanto Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu sheegay in meelaha burbursan dib u dhis lagu billaabay halka meelaha dhimana lagu billaabi doonno.
“Shaqaalaha ee la dhihi jiray 26ka Juun way dhismaysaa waxaana isku xirmi doonna Makka Al-Mukarrama ilaa Warshadaha, waxaa kale oo dhisi doonnaa dhammaan waddooyinka Caasimadda oo sanadkaan dhisayno, waddooyin badan ayaa dib u dhis ku socda” Ayuu yiri Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Waddooyin badan oo Magaalada Muqdisho ah ayaa weli burbursan, qaarkood dib u dhis ayaa ku socda halka qaar kale ilaa haatan aanay maamulku eegin balse Maanta uu Guddoomiye Muungaab sheegay in muddo kooban lagu dhisi doonno.



