Jimco 10, Oct 2025 {HMC} – Wararka ka imaanaya deegaanka Khayelitsha oo ka mid ah deegaanada hoostagta magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed.
Dilka muwaadinka Soomaaliyeed oo ka dhacay gudaha goob ganacsi uu ku lahaa deegaanka Khayelitsha ayaa waxaa geystay burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas, kuwaas oo si deg deg ah uga baxsaday goobta.
Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa dilka kadib gaaray goobta lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, iyagoona halkaas ka sameeyay baaritaan kooban oo aysan ka soo bixin wax matiijo ah.
Dilka murxuumkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo meelo badan oo ka mid ah dalka Koonfur Afrika maalmahii lasoo dhaafay sidaan oo kale loogu dilay dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalkaas u shaqo tagtay, mana jirto cid wax ka qabaneysa dilka, dhaawaca iyo boobka lagu haayo Soomaalida ku nool dalkaas.





