Muwaadin Soomaaliyeed oo si qasab ah Looga soo tarxiili Sweden oo Fashilamay.

0
43

Talaado ,Oct 14, 2025 {HMC} Duulimaad gaar ah oo ay la socdaan 20 muwaadin oo Soomaali ah oo maanta si qasab ah ay Sweden usoo tarxiili lahayd Soomaaliya ayaa dib loo dhigay, kuwaasoo lagu hayo goobo gaar ah , saacado ka hor inta aysan ka soo duulin garoonka diyaaradaha Stockholm ee Arlanda, sida uu weriyey wargeyska Sweden ka soo baxa ee Dagens Nyheter (DN).

Wasiirka socdaalka Sweden, Johan Forssell ayaa sheegay in sababta duulimaadku u baaqday ay tahay arrimo farsamo oo ku meel gaar ah, balse wuxuu xaqiijiyay in xiriirka Sweden iyo Soomaaliya ee arrimaha tarxiilka Soomaalida uu wali socdo oo la celin doono dadka la qorsheeyay in laga saaro Sweden.

Wargeyska Dagens Nyheter , ayaa ku sharraxay ujeeddada duulimaadkan loo baajiyay inay la xiriirto fadeexad uu faafiyay barnaamijka Ekot oo lagu sheegay dawladda Sweden inay laaluush ku siinayso dawladda Soomaaliya si ay u ansixiyaan dib u celinta Soomaalida laga tarxiilayo Sweden, wallow Sweden iyo Soomaaliya ay labaduba diideen eedeyntan.

W/Q Iman Jamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here