Isniin, 8 Sep 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Durban ee xarunta gobolka Kwazulu Natal ee dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Cabdi Xuseen Fiidow (Cabdi Jaqaf ), halkaasi xalay lagu dilay.
Sida aan wararka ku helnay Cabdi Jaqaf, ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masaajid uu salaad cishaha kusoo dukaday, waxaana la sheegay in dilka ninkan uu ka dambeeyay nin kale oo Soomaali ah oo la sheegay in uu khilaaf kala dhaxeeyay.
Goobjoogayaal ,ayaa ku warramay in Cabdi Jaqaf lagu dilay xaafada Soomaalida ka degan tahay magaalada Durban markii uu salaad kasoo baxay, lamana oga ilaa hadda sababta rasmiga ah ee keentay dilka ninka Soomaaliga ah u geestay muwaadin kale oo Soomaaliyeed.
Dalka Koonfur Afrika oo si joogto loogu dilo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ganacsiga ku leh, ayaa mararka qaar la sheegaa in ay Soomaalida dhaxdopoda is dilaan, sidoo kale isku adeegsadaan kooxo kale oo gaangistaro dadka dila ah.



